Pep Guardiola: Liverpool Ayaa Ah Kooxda Ugu Awooda Weyn Yurub Wakhti Xaadirkan

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa qirtay in ay kooxda Liverpool tahay kooxda ugu fiican horyaalka premier League waliba kana mid tahay kooxaha ugu fiican yurub si weyna ugu sharaxantahay in ay guul gaadho kulanka dhex mari doona labada kooxood ee 3 bisha January.

Liverpool ayaa hogaanka u haysa horyaalka preier League iyaga oo leh 54 dhibcood 7 dhibcood oo cadaan ahna ka horaysa kooxda Man City ahna kooxda kaliya ee aan ilaa haatan wax guuldaro ah la kulmin horyaalka premier League.

Tababare Pep Guardiola oo la hadlaya wargayska AS ayaa yidhi”Anagu waxa aan nahay koox fiican laakiin waxa laga yaabaa in ay Liverpool tahay kooxaha ugu awooda weyn yurub waliba u sharaxan in ay guul gaadho kulankeena”.

“Waxa uu tababaruhu u baahan yahay ayaa ah in uu arko kooxdiisa uu ka fal celinaysa guuldarooyin laakiin anigu uma baahni guul si aan u ogaado, kulanka Liverpool wuu ka badan yahay kaliya 3 dhibcood sababta oo ah waa hogaamiyayaasha horyaalka waxana ay ku jiraan qaab fiican waxana aan doonaynaa in aanu ka badino”.

Waxa Khamiista si weyn loo sugayaa kulan xiiso leh oo labada kooxood ku dhex mari doona Etihad kulan ka tirsan todobaadka 21-aad ee premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here