Pep Guardiola: Juventus? Arintu Waa Suurtagal Laakiin…..

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay wararka la xiriirinayaa kooxda Juventus kuwaas oo wakhtigii ugu dambeeyay si weyn u soo xoogaysanay.

Wargaysyada Italy ayaa maalmihii ugu dambeeyay si weyn u hadal hayay in uu Pep Guardiola heshiis la gaadhay kooxda Juventus si uu shaqada uga badalo tababare Max Allegri dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Guardiola oo saxaafada la hadlaya kadib ciyaartii Watford ayaa yidhi” Heshiiskayga waxa ka dhiman muddo laba sano, in aan kooxda ka tago suurtagal ma ahan ilaa shaqada la iga caydhiyo mooyaane, waxa aan kooxda ka tagayaa 2 sano ama ka badan kadib”.

“Waa suurgtal in aan ku biro kooxda Juventus laakiin am ahan wakhti xaadirkan lagu jiro”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guardiola ayaa kooxda Man City kaga soo biiray kooxda Bayern Munich isaga oo kooxda kula guulaystay Premier League iyo 2 Koob oo Carabao cup-ka ah intii uu joogay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here