Pep Guardiola ” Haddii Liverpool Badin Laheyd Waxaa Niyadeyda Ku Jirtay Hal Arin”

Tababaraha kooxda Man City ee Pep ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay ka gaareen Liverpool oo ay uga badiyeen 2/1 ak dib kulan ka dhacay Etihad kaasi oo ka tirsanaa wareegga 21-aad ee horyaalka Ingiriiska .

” Guul darro aan kala bixi laheyn kulankaas waxa ay la micno ahaan laheyd in Liveprool ku guuleysteen horyaalka Ingiriiska” ayuu yiri Pep .

Sky Sport ayuu ka yiri Pep ” haddii kulankaan ay badin lahaayeen xaalka ayaa nagu adkaan lahaa oo rajaddii horyaalkana waa yaraan laheyd”.

” Haatan kaliya 4 dhibic ayay naga sareeyan waana wax laga soo kabsan karo , waxaan ku kalsoonahay in wax wacan aynu soo bandhigi karno kulamada kale”.

Waxa uu macalinkaan raali gilin ka bixiyay neerfoosnimadiisa kulankaas iyo qeylo uu u ula tagay garsooraha 4-aad in taasi ay ka dhalatay awoodda kulanka .

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here