Pep Guardiola Guardiola Oo Shaaciyay Mudada Ay Xiddigaha Aymeric Laporte & Fernandinho Ka Maqnaan Doonaan Garoomada

ababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka warbixiyay dhaawacyada soo gaadhay xiddigaha muhiimka u ah kooxdiisa ee Aymeric Laporte & Fernandinho.

Guardiola ayaa sheegay in ay labada xiddig garoomada ka maqnaan doonaan dhawr todobaad kadib dhaawacyadii soo gaadhay kulankii Finalka Carabao cup-ka.

Daafaca reer France ee Aymeric Laporte ayaa ciyaarta laga saaray qaybtii hore ee ciyaarta isaga oo uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay isaga oo kubada ku baacsanaya xiddiga chelsea ee Eden Hazard.

Dhanka kale xiddiga khadka dhexe ee Fernandinho ayuu soo gaadhay dhaawac canqawga ah daqiiqadihii ugu dambeeyay ww wakhtigii caadiga ahaa ee qaybtii hore ee ciyaarta.

Xilli ay premier League la ciyaari doonaan kooxaha West Ham iyo Bournemouth 7 maalmood ee soo socota iyo waliba tartanka champions League oo ay ciyaari doonaan 3-da todobaad ee soo socda Guardiola ayaa ka wal-walsan si ay kooxdiisu uga kabsan doonto maqnaanshaha laabda xiddig.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here