Pedro & Willain Oo Chelsea Ka Caawiyay Guul Ay Ka Gaadheen Newcastle United

0

Kooxda Chelsea ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Newcastle United kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsnaa horyaalka premier League.

Blues ayaa kulanka ku bilaabatay si diiran iyaga oo ka awood badnaa kooxda Newcastle kuwaas oo daafac adag ku bilowday ciyaarta.

Chelsea ayaa wakhti hore hogaanka u qabatay ciyaarta iyaga oo uu daqiiqadii 9-aadba goolka 1-aad u dhaliyay xiddiga garabka ka ciyaarta ee Pedro.

Newcastle ayaa daafaca ka baxday si ay u dhaliso goolka bar-baraha iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah taas oo ay kooxda chelsea ka faa,iidaysatay waliba samaysay fursado ay goolal kale ka dhalin kareen.

Blues ayaa ahayd kooxda awooda badan dhanka kubad haysashada iyaga oo maamulayay kulanka Halka Newcastle qaadaysay weeraro rogaal celis.

Newcasstle ayaa daqiqiadii 40-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga Ciaran Clark kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah laakiin laga dhalin karay goolal intaas ka badan.

Qaybtii dambe ayay Blues kulanka u soo gashay si ay kulanka u disho gabi ahaan una dhaliso goolal kale halka Newcastle u soo gashay sidii ay bar-baraha ugu bixi lahayd ama ay goolka guusha ugaga naxsan lahady.

Kooxda chesea ayaa daqiiqadii 57-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si cajiib ah ugu dhaliyay xiddiga Willian kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Newcastle ayaa isku dayday in ay dhaliso goolka bar-baraha iyada oo heshay dhawr fursadood laakiin chelsea ayaa si fiican u difaacatay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda chelsea sidaas ku gaadhay guul ay u qalantay inkasta oo ay Newcastle iska caabin samaysay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here