Paul Pogba & Romelu Lukaku Oo Isku Dhacay Kadib Kulankii Southampton, Sababta & Sidii Ay Wax U Dheceen

Xiddigaha Kooxda Man United ee Paul Pogba iyo Romelu Lukaku ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dheceen kadib guushii ay Red Devils ka gaadheen kooxda Southampton sabtidii.

Labada xiddig si weyn uga muuqday kulankii ka dhacay Old Trafford xilli xiddiga reer Belguim uu dhaliyay 2 gool guushii 3/2 ahayd.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaan si weyn qaab fiican u soo bandhigin xilli uu sidoo kale iska khasaariyay rikoodhe wakhti dambe loo dhigay kulanka.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Xiddigaha Lukaku iyo Pogba isku dheceen dirqina lagu kala qabtay ciyaarta kadib markii ay galeen qolka Labiska.

Isla wargayska ayaa intaas ku daraya in uu Lukaku ka niyad jabay in uu Pogba qaatay rikoodhada xilli uu Lukaku doonayay in uu ka dhaliyo saddexley.

Lukaku ayaa lagu soo waramayaa in uu xanuusiyay Pogba in uu garab istaagay markii uu wakhtiga adag ku hoos qaadanayay tababare Jose Mourinho.

Sidoo kale waxa uu u sheegay in ay ahayd in uu u daayo in uu qaato rikoodhada si uu u dhamaystiro saddexleyda goolasha ah.

Laakiin Pogba ayaa ka qaatay rikoodhada sababta oo ah waa xiddiga ugu horeeya ee rikoodhayaasha u qaata kooxda Man United.

Kadib tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo kala dhex galay waliba kala dajiyay labada xiddig sida ay wararku sheegayaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here