Paul Pogba Oo Xiddigaha Ay Isku Kooxda Yihiin U Sheegay Mustaqbalkiisa, Miyuu Baxayaa Mise..?

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United iyo xulka qaranka France ee Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu haatanba xiddigaha ay isku kooxda yihiin mustaqbalkiisa iyo kooxda uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe.

Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddigaha Man United u sheegay in uu qorshaynayo in uu isaga tago kooxda Man United suuqa xagaaga.

Xiddiga reer France ayaa lala xiriirinayaa kooxda Real Madrid kadib markii uu horay u qirtay in ay riyo u tahay in uu u ciyaaro kooxda Real Madrid.

Tababare Zinedine Zidane ayaa taageero weyn u ah Pogba halka kooxaha Barcelona iyo Juventus si weyn loola xiriirinayay wakhtigii ugu dambeeyay.

Wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in uu Pogba xiddigaha ay isku kooxda yihiin u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan lagana yaabo in ayna kooxdu hor istaagi doonin.

Pogba ayay u badantahay in uu ciyaaro kulanka ay Man United caawa la ciyaari doonto kooxda Man City kulan baaqi u ah labada kooxood inkasta oo uu qaab ciyaareed liita soo bandhigay kulankii Everton.

Xiddiga xulka France koobka adduunka kula guulaystay ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray bilihii ugu horeeyay ee uu tababare Ole Gunnar Solskjaer ahaa tababaraha laakiin haatan qaab liita ku jira.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here