Paul Pogba Oo Warqada Bixitaanka U Gudbiyay Man United Si Uu Ugu Qasbo In Laga Iibiyo Real Madrid.

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu maamulka Man United ka codsaday in ay ka iibiyaan kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda ku ciyaarta Bernabeu.

Xiddiga 26 jirka ah ee khadka dhexe ka ciyaara ayaa doonaya in uu rumeeyo riyadiisa ah ku biirista kooxda Real Madrid kana hoos ciyaarto tababare Zinedine Zidane.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu Pogba maamulka Old Trafford si cad ugu sheegay in ay ka go,antahay in uu ku biiro kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in uu xiddiga reer France heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Real Madrid iyaga oo ogolaaday in ay todobaadkii miiska u saaraan lacag dhan 400 kun oo Gini marka laga reebo lacagta cashuuraha.

Pogba ayaa warqada bixitaanka u gudbiyay madaxda Man United isaga oo waliba u sheegay in uu wax walba u samayn doono sidii uu ugu biiri lahaa Real Madrid.

Los Blancos ayaa dhankeeda bartilmaameed muhiim ah ka dhigatay xiddiga iyaga oo ku qanacsan in ay 100 milyan oo euro kaga filnaan doonto in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga reer France.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here