Paul Pogba Oo Shaaca Ka Qaaday Halyeeyga Uu Tababare Ole Gunnar Solskjaer U Sheego In Uu Matalo, Man Ahan United

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu jose Mourinho ka tagay kooxda.

Paul Pogba ayaa sheegay in uu tababare Ole Gunnar Solskjaer u sheegay in uu matalo halyeeyga kooxda chelsea ee Frank Lampard.

Pogba ayaa caawin cajiib ah sameeyay kulankii Tottenham isaga oo goolka ka caawiyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo dhaliyay goolkii ay Tottenham guusha kaga gaadheen.

Xiddiga reer France ayaa haatan caawiyay 4 gool sidoo kale dhaliyay 4 kale 5-tii kulan ee premier League ugu dambaysay.

Isaga oo ka hadlaya kadib kulankii Tottenham ayuu Pogba sheegay farqiga doorka uu haatan uga ciyaaro tababare Ole Gunnar Solskjaer iyo markii uu Mourinho joogay kooxda iyo waliba xiddiga uu tababaraha reer Norway u sheegay in uu matalo.

“Waxa aan ku raaxaystaa ciyaarista kubada cagta, waxa ay ahayd mid adag markii hore sababta oo ah waxa aan ku ciyaaraynay nidaam adag, waxa aan jecelahay in aan ciyaaro kubad weerar ah”ayuu u sheegay Sky Spor, “Waxan u malaynayaa in booskaygu yahay meesha aan raaxada ku dareemayo”.

“Tababaruhu waxa uu ii sheegay in aan ka ciyaaro khadka dhexe ee weerarka sababta oo ah waxa aan dhaliyaa goolal marka aan ka ciyaarayo weerarka, waxa uu ii sheegay in aan noqdo sidii Frank Lampard oo kale”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here