Paul Pogba Oo Seegi Kara Kulanka Leicester City Ee Premier League, Sabab.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba ayuu shaki weyn ku jiraa kulanka ay Man United la ciyaari doonto kooxda Leicester City kana tirsan horyaalka Premier league kadib markii uu dhaawac soo gaadhay kulankii Burnley ee bartamaha todobaadka.

Pogba oo dhaliyay gool rikoodhe ah ayaa kooxdiisan u xor seeday in ay soo laabasho bar-baro ah ka gaadho ayay xaaladiisa qiimayn doonaan dhakhaatiirtakooxdu.

United ayaa ka soo laabatay 2/0 iyaga oo 3 daqiiqo gudohood bar-baro ku galay kulanka iyaga oo labada gool u kala dhaliyeen Paul Pogba iyo Victor Lindelof.

Red Devils ayaa la ciyaari doonta Axada kooxda Leicester City kulan muhiim u ah tartanka ay ugu jiraan kaalinta 4-aad waxana laga yaabaa in uu Paul Pogba seego kulankaas.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray kulamadii ugu dambeeyay isaga oo dhaliyay 6 gool 6-diisii kulan ee ugu dambeeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here