Paul Pogba Oo Markiisa Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Ay Isku Dheceen Lukaku Kadib Kulankii Southampton.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa ka hadlay xaqiiqada wararka isku dhaca isaga iyo xiddiga weerarka uga ciyaara Man United ee Romelu Lukaku.

Pogba ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay isku dheceen isaga iyo Lukaku kadib guushii ay United ka gaadhay kooxda Southampton.

Waxa la sheegayay in ay Pogba iyo Lukaku isku dheceen kadib ciyaarta sabab la xidhiidha in uu Pogba laagtay rikoodhadii uu iska khasaariyay ee daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulankii Southampto.

Lukaku oo dhaliyay 2 gool ayaay doonayay in uu dhaliyo goolkiisa 3-aad laakiin waxa uu ka xanaaqay in uu Pogba laagtay waliba khasaariyay.

Wararka ayaa intaas ku sii daray in uu tababare Ole Gunnar Solskjaer soo kala dhex galay waliba kala qabtay labada xiddig markii la galay qolka Labiska.

Laakiin Lukaku ayaa shalay beeniyay wararkaas isaga oo bogiisa Twitter-ka ku soo qoray” Marka uu Nacaybku shaqayn waayo waxa ay faafinayaan been”.

Pogba ayaa Lukaku ku raacay isla bogooda Twitter-ka ugu jawaabay isaga oo yidhi”Hahahahahah (Qosol) Dadka Waan La Yaabay Walaal”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here