Paul Pogba Oo Afka Furtay Fariina U Diray Jose Mourinho Kadib Guushii Cardiff City

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa ka hadlay tababarihiisii hore ee Jose Mourinho kadib guushii ay Man United ka gaadhay Cardiff City kulan ka tirsanaa premier League.

Inkasta oo uu khilaaf weyn kala dhexeeyay Tababare Jose Mourinho hadana Paul Pogba ayaa u mahad celiyay tababaraha reer Portugal kadib markii shaqada laga caydhiyay.

18 bishii December ayay kooxda Man United shaqada ka caydhisay jose Mourinho 48 saac kadib guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Liverpool.

Kooxda Man United ayaa tababare Ole Gunnar Solskjaer si ku meel gaadh ah ugu dhiibtay xilka tababranimo 4 maalmood kadib waxana uu gaadhay guul weyn oo 5/1 ah.

Man United ayaa 5/1 uga badisay kooxda Cardiff City iyada oo uu tababaraha reer Denmark Man United la gaadhay guushiisii ugu horaysay ee kooxda Man United.

Kadib ciyarta Paul Pogba oo la hadlaya BBC ayaa yidh”Waxa aan doonayaa in aan u mahad celiyo Jose Mourinho wax walba oo uu noo qabtay, xiddigaha oo dhan waxa ay uga mahad celinayaan sanadihii aan la soo qaadanay”.

“Waxa aan jose Mourinho kula guulaysanay koobab wax walba waxa ay u socdeen si fiican bilowgii waxana uu iga caawiyay in uu shaqsi ahaan ii horumariyo ka hor ciyaaryahan ahaan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here