Paul Pogba & Anthony Martail Oo Man United Ka Caawiyay Guul Ay Ka Gaadhay Fulham & Red Devils Oo Gashay Kaalinta 4-aad.

Kooxda Man United ayaa si xarago leh uga badisay kooxda Fulham kulan ka dhacay garoonka Craven Cottage kana tirsanaa todobaadkii 26-aad ee premier League.

Man United ayaa si Rasmi ah ula wareegtay kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League kadib guushii ay ka gaadhay Fulham.

Wiilasha Ole Gunnar Solskjaer ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo Fulham ku qaadayay weeraro halis ah oo ay ku doonayeen in ay kaga dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 14-aad ayay Man United u suurtagashay in ay dhaliyaan goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si qurux badan ugu dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee ee Paul Pogba

Fulham ayaa isku dayday in ay madaxa kor u qaado iyada oo isku dayday in ay weeraro ku qaado Man United laakiin weeraradaas ayaan wax faa,iido ah lahayn.

Man United ayaa sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu gool qurux badan oo dhaliyay gool kale oo aad u qurux badan.

Daqiiqadii 23-aad ayuu xiddiga Anthony Martail dhaliyay gool qurux badan kadib markii uu sida daadka isaga dhex maray xiddigaha Fulham.

Waxa sidaas ku dhamaaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United 2/0 ku hogaaminayso kulanka qaab ciyaareed cajiib ahna soo bandhigtay.

Fulham vs Manchester United LIVE – Solskjaer’s men target win to go top four in Premier

Qaybtii dambe ayay Red Devils si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay gabi ahaan ciyaarta dilaan.

Man United ayay midaas u suurtagashay daqiiqadii 65-aad markii ay Man United heshay rikoodhe uu gool u badalay xiddiga Paul Pogba.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United si qurux badan u gaadhay guul ay u qalantay iyada oo garaacday kooxda Fulham.

Guushaas ayaa Man United ka caawisay in ay 2 dhibcood oo cadaan ah ku qabato kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here