Paul Merson Oo Arsenal U Sheegay In Ay La Soo Saxiixdaan Xiddig Jooga Premier League Oo Waliba Ka Fiican Lucas Torriera.

0

Halyeeyga kooxda Arsenal Ahna khabiirka Sky Sport ee Paul Merson ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ay la soo saxiixdaan xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Watford ee Abdoulaye Doucoure kaas oo uu sheegay in uu ka fiican yahay xiddiga xagaagii ku soo biiray ee Lucas Torreira.

Doucoure ayaa si weyn loola xiriirinayaa in uu u dhaqaaqayo kooxda Paris Saint-Germain kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay mudadii sanad iyo badhka ahayd.

Laakiin Merson ayaa ku rajo weyn in ay Gunners u dhaqaaqdo xiddiga reer France bishan si uu kooxda uga caawiyo ku soo laabashada champions League xilli ciyaareedka dambe isaga oo aaminsan in uu ka fiican yahay Torreira oo aan xitaa ku soo bilaaban lahayn shaxda 5-ta kooxood ee kale ee ugu waaweyn premier League.

“Arsenal ayaa haatan muujinaysa midabkoodii dhabta ahaa, Ilaa inta ay xalinayaan dhibaatada daafaca meelna ma gaadhi doonaan”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Unai Emery waxa uu u baahan yahay dhawr suuq si uu u xaliyo laakiin xiddigihii uu la soo saxiixday ma ahan qaar fiican”.

“Qof walba waxa uu la dhacsanaa Lucas Torreiera laakiin ma ahan xiddig fiican, waxa aan sidaas idhi bilo ka hor qof walbana wuu igu xanaaqay”.

“Waxa uu u fiican yahay ayaa ah in uu yahay wax ay arsenal u baahanayd muddo dheer, waa xiddig ordaya oo meel walba tagaya, laakiin hadii ay bari suuqa dhigaan ma jirto koox 5-ta kooxood ee premier League ugu waaweyn oo dalabn doonta”.

“Waa in ay Abdoulaye Doucoure kala soo saxiixdaan Watford, waxa uu si fudud ku gali karaa shaxda kooxda, anigu waxa aan soo qaadan lahaa isla bari subaxda”.

“Waxa uu aad uga fiican yahay Torreira waxana uu waliba dhaliyaa goolal, waa xiddig aad u fiican laakiin ayna xidhna arkin waxana uu u ciyaari karaa koox kasta oo ka mid ah 6-da ugu waaweyn premier League”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here