Paul Ince Oo Magacaabay 5 Xiddig Oo Ay Tahay In Laga Iibiyo Kooxda Kadib Guuldaradii Everton

0

Halyeeyga Kooxda Man United ee Paul Ince ayaa magacaabay 5 xiddig oo Man United ah oo ay tahay in laga iibiyo kooxda kadib guuldaradii weynayd ee Man United ka soo gaadhay kooxda Everton.

Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa guuldaro 4/0 ah kala kulmay kooxda Everton kulan ka dhacay garoonka Goodison Park kulan Red Devils la kulantay guuldaro weyn oo lama filaan ah.

Guuldaradaas ayaa dhaawacday rajadii Man United ee u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe iyada oo wali ku jirta kaalinta 5-aad ee kala saraynta premier league.

Paul Ince ayaa magacaabay 5 xiddig oo uu doonayo in laga iibiyo kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib qaab ciyaareed Liita oo ay soo bandhigeen kulankii Man United.

Xiddigaha uu Ince doortay in laga fasaxo kooxda ayaa kala Phil Jones, Fred, Nemanja Matic, Romelu Lukaku & Anthony Martial kuwaas oo qaab ciyaareed Liita soo bandhigay kulankii Everton.

Kooxda Man United ayaa la kulantay guuldaradii 5-aad oo xiriir ah kulamada ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda iyada oo sidaas samaysay markii ugu horaysay tan ilaa 1981 markaas oo ay 5 guuldaro ka soo gaadhay meel ka baxsan garoonkeeda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here