Paris Saint-Germain oo la ogaaday laacibka ay la soo wareegi doonto haddii uu midkood ka tago Neymar, Mbappe iyo Cavani

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee waddanka Faransiiska ayaa daaha laga rogay laacibka ay la soo wareegi doonto haddii ay lumiso mid ka mid ah Weeraryahannadeeda.

PSG ayaa la soo warinayaa inay doonayso inay la soo wareegto Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann si ay bedel uga dhigato haddii ay lumiso midkood saddexdeeda Weeraryahan Neymar, Mbappe iyo Cavani.

Kooxda ka dheesha horyaalka Ligue 1 ayaa haatan haysta weeraryahannada ugu fiican kubada cagta Yurub, laakiin Neymar Jr, Kylian Mbappe iyo Edinson Cavani ayaa dhammaantood la la xiriirinayay inay tagi doonaan lixdii bilood ee la soo dhaafay.

PSG ayaa sidoo kale looga baahan yahay inay raacdo xeerarka FFP, laakiin sida ay warinayso Jariiradda AS, Griezmann ayaa lagu soo daray liiska xiddigaha muhiimka ah ee bedeli kara haddii saddexdaan weeraryahan ee furaha u ah kooxda uu midkood ka tago garoonka Parc des Princes.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan Griezmann uu alaabada u furi doono inuu u dhaqaaqo PSG, inkastoo Atletico ay u badan tahay in kooxda reer France ay weydiisato 200 milyan oo euro oo u dhiganta 171.29 milyan oo gini haddii ay doonayaan in weeraryahankan ay geeyaan Magaalada Paris.

Griezmann ayaa lagu soo waramayaa inuu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa kooxda Atletico Madrid, inkastoo uu qandaraas cusub u saxiixay kooxdan sanadkii hore.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here