Paris Saint-Germain Oo Ku Guulaystay Horyaalka Ligue 1 Iyada Oo Aan Xitaa Ciyaarin, Qaab Noocee Ah.

0

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa ugu dambayn ku guulaystay horyaalkaFrance kadib markii ay kooxda kaalinta 2-aad kaga jirta horyaalka ee Lille bar-baro gool la,aan ah la gashay kooxda Toulouse.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa iska khasaariyay saddex fursadood oo ay ugu guulaysan karaan horyaalka Ligue 1 kadib markii ay laba kulan guuldaro la kulmeen mid kalena bar-baro galeen.

Bar-Barihii Lille ayaa la macno ah in ay kooxda PSG 16 dhibcood ku hayso hogaanka iyo waliba kooxda ugu dhaw xilli 15 dhibcood lagu heli karo kulamada ka dhiman dhamaadka horyaalka.

PSG ayaa sidaas ugu guulaystay horyaalkii 8-aad ee Ligue 1 ee taariikhdeeda iyada oo horay ugu soo guulaystay sanadihii (1986, 1994, 2013, 2014, 2015, 2016, 2018) iyaga oo bar-bareeyay rikoodhkii ku guulaysiga horyaalka ee Kooxaha Monaco iyo Nantes halka ay sidoo kale ku guulaysteen markii 6-aad 7-dii sano ee ugu dambaysay.

Kooxaha Saint-Etienne (10) & Marseille (9) ayaa ah kooxaha kaliya ee PSG kaga badan ku guulaysiga horyaalka France ee Ligue 1 kadib ku guulaysigii xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here