Ozil, Ramsey, Rabiot, Manolas & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalinwalbasubaxnimadawararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Xiddiga Khadka dhexe Uga Ciyaara Kooxda Arsenal Ee Mesut Ozil ayaa diiday in uu heshiis amaah ah uga tago Arsenal suuqa Jnauary (ESPN)

Weeraryahanka ahna kabtanka kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Man United sida ay sheegayaan wararku (Don Balon).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey ayaa ku biiri doono kooxda Juventus marka uu dhamaado heshiiskiisa Arsenal (Corriere dello Sport).

Kooxda Marseille ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Albarto Moreno inta lagu jiro suuqa January (Le10 Sport).

Kooxda Sevilla ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Konstantinos Mavropanos (Mundo Deportivo).

Raphael Varane ayaa sheegay in uu filayo in uu xirfadiisa ciyaareed ku dhamaysto kooxda Real Madrid (Don Balon).

Daafaca Atletico Madrid ee Diego Godin aya doonaya in uu ku biiro kooxda Ac Milan xilli Inter Milan xiiso u qabto xiddiga (Calciomercato).

Xiddigaha khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Luka Modric iyo Toni Kroos ayaa bartilmaameed weyn u ah kooxda Inter Milan (Corriere Dello Sport)

Kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Roma ee Kostas Manolas (Tuttomercato).

Xiddiga kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey ayaa ogolaaday heshiis 4 sano ah oo uu todobaadkii ku qaadan doono 138 kun oo Gini si uu ugu biiro Juventus (Tuttosport).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG diiradana u saaran kooxda Barcelona ee Adrien Rabiot ayaa iska diiday in uu ku biiro Kooxda Tottenham (ESPN).

Kooxda Man City ayaaa si aad ah ugu dhaw xiddiga 15 jirka ah ee daafaca uga ciyaara kooxda Espanyol ee Oscar Tarensi (Sport).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here