Ozil Oo Aan Ka Soo Muuqan Doonin Kulanka Liverpool, Isaga Ayaana U Sabab Ah

0

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in kubad sameey Ozil uu xaalka ka qasan yahay , waxa uuna iska weynayaa liiska Arsenal ee kulanka Liverpool ee wareegga 19-aad ee horyaalka Ingiriiska

Waxaa sii xoogeysanaya wararka sheegaya in mustaqbalka Ozil ee qalcadda Emirat uu sii galayo mugdi isla markaana uusan wanaagsaneyn xariirka kala dhaxeeya macalinka kooxdaas .

Tababaraha ayaa lagu waramay in Ozil uusan ku soo darrin ciyartooyda ula safartay Liverpool isaga oo xusay in laacibka sheegay in uu ka sheeganayo dhibaato dhanka jilibka ah.

Ozil ayaa kulankii Brighton waxa uu kulankaas uga baxay dhaawac ka dib 45 daqiiqo oo uu ciyaaray waxaana la xusayaa in sidaa darteed uusan safan karrin kulankaas inakstoo horay aan loo shaacin warkaas.

Laacibkaas 30 sano jirka ah ayaa waxaa mustaqbalkiisa Arsenal dul saaran calaamad su`aal waxa uuna u muuqda mid aan waafaqeyn falsafadda cusub ee tababare Unai Emery , waxa uuna macalinka ka door bidaa laacibkaas xiddigaha kale ee kala ah Alex Iwobi iyo Mkhitaryan .

Inkastoo Ozil uu doonayo in waqooyiga London sii joogo hadana hab dhaqanka tababare Unai Emery ayaa laacibka ku qasbaya in uu kooxda ka huleelo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here