Ozil, Hazard, Arnautovic, Higuain, Morata, Luiz & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalinwalbasubaxnimadawararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Una Emery ayaa diyaar u ah in uu xiddiga Mesut Ozil u ogolaado in uu isaga tago kooxda si uu lacag ugu helo xiddigo cusub (Mail).

Chelsea ayaa dalban doonta lacag dhan 100 milyan oo euro si ay Eden Hazard ugu ogolaato in uu ku biiro kooxda Real Madrid (Telegraph).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda West Ham ee Marko Arnautovic ayaa 35 milyan ugu biiri doona kooxda shiinaha ah ee Shanghai SIPG todobaadkan (Sun).

Hummers ayaa kadib u dhaqaaqi doonta weeraryahanka kooxda Bournemouth ee Callum Wilson oo sidoo kale lala xiriirinayo chelsea (Sky Sport).

Heshiiskii uu Alvaro Morata ugu biiri lahaa kooxda Sevilla ayaa bur-buray kadib markii ay Blues 40 milyan dul dhigtay madaxa xiddiga (Evening Standard).

Dhanka kale Alvaro Morata ayaa diyaar u ah in uu dhimo mushaharkiisa si uu ugu biiro kooxda Atletico Madrd (Marca).

Xiddigaha Man United ayaa si aad ah u doonaya in uu tababare Ole Gunnar Solskjaer si buuxda ula wareego tababaranimada kooxda (Telegraph).

Solskjaer ayaa dhanka kale doonaya in uu iska iibiyo Marouane Fellaini xilli 31 jirkan doonayo in uu amaah ugu biiro kooxda Ac Milan (Talksport).

Kooxda Chelsea ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Zenit ee Leandro Paredes iyaga oo sidoo kale ka gudbinaya dalab dhan 27 milyan (Mirror).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ajax ee Frenkie de Jong ayaa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda PSG isaga oo mushahar u qaadan doona 7 milyan oo euro sanadkii (AS).

Kooxda chelsea ayaa ku dhaw in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga daafaca uga ciyaara ee David Luiz Sida uu sheegay wakiilkiisu (Sun).

David De Gea ayaa doonaya in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Man United waxana uu sugayaa dalab macquul ah xilli ay wadahadaladu wali socdaa (Mail).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here