Ousmane Dembele & Lionel Messi Oo Barcelona Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Celta Vigo

Kooxda Barcelona ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Celta Vigo kulan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 17-aad ee horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro ay ku doonayeen in ay goolal kaga dhaliyaan kooxda Celta Vigo.

Daqiiqadii 10-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ousmane Dembele kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Barcelona ciyaartana ka dhigay 1/0.

Kooxda Celta Vigo ayaa isku dayday in ay ku soo laabto ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah laakiin Barcelona ayaa si fiican u difaacatay.

Barcelona ayaa mar kale daqiiqadii 45-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lionel Messi kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxda Barcelona.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona ku hogaaminayso 2/0 waliba labada kooxoodba dhalin kareen goolal intaas ka badan marka loo eego fursadihii ay heleen.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay labada kooxood sameeyeen fursado fiican si ay uga dhaliyaan goolal ciyaartana wax uga badalanaan iyada oo koox walba dhankeeda u doonaysay in ay goolal dhaliso.

Laakiin Natiijada ayaan waxba iska badalin iyada oo ay Barcelona guushu ku raacday 2/0 iyaga oo sidaas ku gaadhay guul ay u qalmeen kuna sii haystaan hogaanka horyaalka La Liga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here