Ousmane Dembele & Lionel Messi Oo Barcelona Ka Gaadhay Guul Muhiim Ah Oo Ay Isaga Xaadirsay Wareega 8 Dhamaadka Copa Del Rey-ga

Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Levante iyaga oo si Rasmi ah isaga xaadiriyay wareega 8 dhamaadka tartanka copa Del Rey-ga.

Barcelona ayaa kulanka ku soo gashay iyada oo lugtii hore looga badiyay 2/1 Khamiistii hore hal lugna kala baxday tartanka ay xilli ciyaareedkii hore ku guulaysatay.

Saaxiibada Messi ayaa u baahnaa kaliya Hal gool si ay ugu soo baxaan wareega xiga waxana uu goolkaas yimid daqiiqadii 30-aad iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Ousmane Dembele kaas oo caawin ka helay Lionel Messi sidaasna kooxdiisa ugu dhiibay hogaanka ciyaarta.

Ka hor intii ayna ku celiskii hore ka dhamaan Tv-yada ayuu Ousmane Dembele mar kale dhaliyay gool 2-aad isaga oo mar kale caawin ka helay Lionel Messi isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore oo ay Barcelona kulanka ku hogaaminayso 2/0 ay kooxda ku ciyaarta Camp Nou ugu gacan sarayso.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Barcelona ciyaarta gabi ahaan hurdo dheer u dirtay iyaga oo markan u xil saaray kabtankooda Lionel Messi.

Daqiiqadii 54-aad ayuu Lionel Mess dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta isaga oo ka dhigay 3/0 ay ku hogaaminayso Barcelona ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona sidaas ku gaadhay guul ay ugu gudbtay wareega xiga ee 8 dhamaadka tartanka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here