Ole Gunnar Solskjaer Sameeyay Saadaalin Ku Saabsan Marcus Rashford, Rooney & Ronaldo Ayuu Bar-Bar Dhigay

0

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa wali sii wada amaanta xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Marcus Rashford.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uu Rashford gaadhi karo halkii ay gaadheen xiddigihii hore ee kooxda Man United ee Wayne Rooney & Cristiano Ronaldo.

Rashford ayaa kulankiisii 150-aad u saftay kooxda Man United isaga oo waliba soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii Brighton ee horyaalka premier league.

Xiddigaha Wayne Rooney, Cristiano Ronaldo Iyo Marcus Rashford ayaa dhamaantood kulankoodii ugu horeeyay saftay iyaga oo 18 jir ah laakiin Rashford ayaa 150 kulan ku saftay kooxda wakhti ka yar Rooney iyo Ronaldo kuwaas oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee soo maray Old Trafford.

Markii uu Rooney saftay kulankiisii 150-aad waxa uu jiray 21 sano, 10 bilood iyo 30 maalmood halkuu Ronaldo jiray 22 sano, 9 bilood iyo 27 maalmood.

Laakiin Rashford ayaa rikoodhkaas ku gaadhay 21 sano, 2 bilood iyo 12 maalmood markii uu kulankii Brighton saftay kulankiisii 150-aad waxana uu tababare Solskjaer saadaaliyay in uu Rashford mari doono wadada xiddigihii hore ee United.

Markii wax laga waydiiyay in uu Marcus Rashford mari doono wadadaii Rooney iyo Ronaldo ayuu Solskjaer yidhi” Haa, Dabcan, waa mari karaa sababta oo ah waa xiddig cajiib ah”.

“Haatan waa 21 jir kaliya laakiin waxa uu muujiyay qaan gaadhnimo ka weyn da,diisa, mar walba oo aad goolal dhaliso waxa sii badanaya kalsoonidaada, in uu u ordo boos kaliya mar walba iyo qaabka uu u shaqaynayo toodbaadkii waa mid cajiib ah sababta oo ah waxa uu ku tababartaa maalin walba”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here