Ole Gunnar Solskjaer Oo Xiddigaha Man United U Sheegay Halka Boos Ee Uu Doonayo In Ay Ku Dhamaystaan, Waa Mid Baqdin Ku Abuuraya Liverpool & Man City.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xiddigaha kooxdiisa u sheegay halka boos ee uu doonayo in ay kaga dhamaystaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

United ayaa ka baxsan tartanka hanashada horyaalka premier Leageu oo u dhexeeya kooxaha Liverpool iyo Man City xilli ciyaareedkan.

Laakiin tababaraha ku meel gaadhka ah ayaa sheegaya in ku dhamaysiga kaalinta 3-aad in ay baqdin ku abuurayso kooxaha Liverpool iyo Man City xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska SunSport ayaa sheegaya in uu tababare Ole Gunnar Solskjaer xiddigihiisa kula dar-daarmay in ay kaalinta 3-aad kala baxaan Tottenham kadib guushii ay ka gaadheen Axadii hore.

“Waxa aan doonayaa in ay xiddiguhu lahaadaan Kalsooni laakiin aanay is amaanin waliba is dhigan sababta oo ah waxa u dhexeeya farqi weyn’.

Kadib guushii Tottenham kooxda Man United ayaa la dhibco ah kooxda Arsenal iyaga oo ku jira kaalinta 5-aad iyaga oo kaliya 6 dhibcood ka dambeeya kaalinta 4-aad.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here