Ole Gunnar Solskjaer Oo Xiddigaha Kooxdiisa U Sheegay Dhibcaha Uu Doonayo In Ay Helaan Si Ay Ugu Soo Baxaan Champions league

0

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa kooxdiisa u sheegay dhibcaha ay u baahan yihiin hadii ay doonayaan in ay u soo baxaan champions League xilli ciyaareedka dambe kadib guuldaradii Everton.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in ay Man United u baahantahay in ay badiso kulan kasta oo u hadhay premier League hadii ay doonayaan in ay u soo baxaan champions League xilli ciyaareedka dambe.

Rajadii Red Devils ee kaalmaha ugu sareeya premier League ayaa la kulantay dhibraaxo kadib guuldaradii weynayd ee 4/0 ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Everton kulankii ka dhacay Goodison Park.

Guuldaradaas ayaa ahayd midii 6-aad ee 8-dii kulan ee ugu dambeeyay xilli ay guulo xiriir ah la kulantay tan ilaa markii ay guusha soo laabashada leh ka gaadhay PSG bishii Hore.

Kooxda Man United ayaa haatan ku jirta kaalinta 6-aad iyaga oo 3 dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta 3-aad ku jirta halka ay 2 dhibcood ka dameeyaan kooxaha Arsenal iyo chelsea ee ku kala jira 4-aad iyo 5-aad.

Solskjaer ayaa tilmaamay dhibcaha ay u baahantahay Man United hadii ay doonayaan in ay Tottenham, Gunners ama Chelsea ka qaataan booska 3-aad ama 4-aad.

“Waanu ka fognahay meeshii aan doonaynay”ayuu Solskjaer u sheegay Sky Sport. “Marka aad guuldaro la kulanto kulan horyaalka ah qof walba waxa uu arkaa in ay na hor taalo shaqo adag”.

“Waa in aanu badino dhamaan kulamada noo hadhay ee 4-ta ah kadib waxa laga yaabaa in aanu helno fursad aanu ugu dhamaysano kaalmaha ugu sareeyo, waa dalab weyn laakiin waan qaban karnaa , kaliya kama hadli karno waa in aanu qabano”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here