Ole Gunnar Solskjaer Oo Xiddiga Fred Bar-Bar Dhigay Laba Xiddig Oo Uu Man United Kaga Soo Garab Ciyaaray

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa ee Fred bar-bar dhigay laba halyeey oo kooxda Man United ah.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in dhibaatada uu Fred ku qabo la qabsashada Man United ay xasuusisay dhibaatadii ay xiddigihii hore ee kooxda Man United ee Diego Forlan & Juan Sebastian Veron ku bilowdeen Man United.

Xiddiga reer Brazil ayaa Man United ugu soo biiray lacag dhan 52 milyan oo euro xagaagii laakiin ku dhibaatooday intii uu kooxda hogaaminayay jose Mourinho isaga oo kaliya u saftay 3 kulan intii uu tababaraha reer Portugal hogaaminayay kooxda.

Fred ayaa badal wakhti dambe ah ku soo galay kulankii Cardiff ee ahaa kulankii ugu horeeyay ee Solskjaer ka hor inta uuna ku bilaaban kulankii ay United 3/1 uga badisay Huddersfield.

Kulanka kaliya ee uu u saftay Man United sanadka 2019 ayaa ah kulankii FA Cup-ka ee ay United 2/0 uga badisay kooxda Reading ee dhacay 5 January.

Laakiin Solskjaer ayaa wali xiddiga garab taagan isaga iyo xiddigaha kale ee aan joogtada ugu ciyaarin ee Andreas Pereira & Scott McTominay.

“Waan Ognahay in ay yihiin xiddigo aad u fiican sidaas darteed Fred waxa aan ku rajo weynahay in uu la qabsan doono kubada England sababta oo ah wax shaki ah kuma jiro tayadiisa”ayuu Solskjaer u sheegay Manchester Evening News .

“Wax abaal ah uma galin xiddigaha Andreas, Scott iyo Fred markii aan ku bilaabay kulankii Readin markaas oo aan sameeyay 9 is badal”.

“Waxa jiray xiddigo badan oo kooxda yimid laakiin ku dhibaatooday bilihii ugu horeeyay mid ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa ee aan ka soo garab ciyaaray ee United aadka ugu dhibaatooday ayaa ahaa Diego Forlan, Veron waxa uu ahaa xiddig kale oo cajiib ah laakiin ay wakhti ku qaadatay in uu la qabsado kooxda laakiin markii ay la qabsadeen waxa ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here