Ole Gunnar Solskjaer oo xaqiijistay guushiisii ugu horeysay isag oo ah macalinka rasmiga ee United kaddib guul ay ka gaareen Watford

Kooxda Manchester United ayaa ka adkaatay kooxda Watford kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League waxa uuna kulanka ku soo dhamaaday  (2-1)

Qeebtii koowaad ee kulan ciyareedka oo ahaa mid xiiso badan ayaa lagu kala maray 1-0 oo ay ku hor keceyso kooxda Manchester United , wallow kooxda Watford ay sameyeen isku dayo dhowr ah .

Manchester United oo ku ciyaareysay garoonkeeda ayaa u muuqatay mid ka gacan sareysa kooxda martida ah ee Watford iyaga oona iska qasaariyey jaanisyo badan oo gool loo filan karan balse ugu dambeen waxa ay heleen goolka koowaad ee ciyaarta .

Dambeedka daafaca bidix ee kooxda United ee Luke Shaw ayaa kubad uu ka soo qaaday goosha kooxda United waxa uuna ugu dambeen meel qurux badan ugu dhex dusiyey Rashford oo an sixiyey goolka , natiijada ciyaarta ayaana noqotay 1-0 .

Kulan ciyareedka qeebtiisa koowaad ayaa lagu kala maray 1-0 oo ay ku hogaamineyso kooxda Manchester , nasiino kaddib waxaa dib loo naba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta oo aheyd mid xiiso badan .

Markii dib la isagu soo laabtay kooxda Watford ayaa ku soo gashay dar- dar xoogan iyaga oona xooga saarey sidii ay isaga soo aar gudi lahaayeen goolka deenta ee lagu leeyahay.

Culeeskii badnaa ee saarnaa kooxda United ayaa soo dhamaaday kaddib markii ay la yimaadeen goolkii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 72-aad ee qeebtii dambe ee ciyaarta waxaana u dhaliyey laacibkooda reer Farance ee Anthony Martial.

Watford ayaa sii laba jibaartay dadaalkeeda ugu dambeena waxa ay heleen goolka koowaad ee ciyaarta oo yimid daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey laacibkooda khadka dhexe ee Abdoulaye Doucoure .

Ugu dambeen ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ku adkaadeen kooxda Manchester United oo ku ciyaareysay garoonkeeda Old Traford.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here