Ole Gunnar Solskjaer Oo Ugu Dambayn Shaaca Ka Qaaday Doorka Sir Alex Ferguson & Qaab Ciyaareedka Man United.

Tababaraha Ku Meel Gaadhka ah ee kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ugu dambayn shaaca ka qaaday doorka Sir Alex Ferguson ee kooxda Man United.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu Sir Alex Ferguson Wax door ah ku lahayn qaab ciyaareedka uu ku bilowday Man United.

Tababaraha reer Norway ayaa Man United ku hogaamiyay 6 guulood oo xiriir ah premier League iyo 7 guulood oo tartamada oo dhan ah isaga oo dib u soo nooleeyay tartanka kaalinta 4-aad.

Waxa jiray warar badan oo maalmihii ugu dambeeyay sheegayay in uu Ferguson ka qayb qaato xulashada shaxda ay kooxdu ku soo gasho kulamada.

“Todobaad kasta islama hadalno”ayuu Solskjaer u sheegay Evening Standard.

“Marar badan lama hadlin isaga, waxa uu na soo booqday hal mar, waxana uu u yimid in uu arko xiddigiisii hore ee Giuseppe Rossi kaas oo tababar la qaadanayay kooxda”.

“Saamayntu waa 15-kii sano ee aan isaga ka soo hoos ciyaarayay, haatan waa 77 jir mana ahan cadaalad xitaa isaga”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here