Ole Gunnar Solskjaer Oo Ugu Cad-Cad Shaqada Man United & 2 Arimood Oo Sabab U Ah.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegayaa in uu haatan ugu cad-cad yahay in loo magacaabo tababaraha buuxa ee kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Red Devils ayaa tababare Solskjaer u magacwday tababare ku meel gaadh ah kadib markii ay shaqada ka caydhiyeen Jose Mourinho.

Laakiin Halyeeyga Red Devils ayaa haatan shaqo fiican ka qabtay kooxda isaga oo aan wax guuldaro ah la kulmin ilaa haatan.

Wargayska Daily Mirror ayaa in tababare Solskjaer ugu cad-cad yahay in uu noqdo tababaraha buuxda ee kooxda Man United sabab la xidhiidha natiijootinka cajiibka ah ee uu ku xoojiyay.

Sababta 2-aad ayaa ah in ayna Maamulka Man United ku kalsoonayn in ay heli doonaan tababaryaaasha ay doonayaan sida Mauricio Pochettino.

Tababare Solskjaer ayaa Man United ku hogaamiyay guulo badan oo 9 guulood ah tartamada oo dhan tan ilaa markii uu jose Mourinho kala wareegay shaqada.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here