Ole Gunnar Solskjaer Oo U Muuqda Mid Noqon Doona Tababaraha Buuxa Ee Man United & Saddexda Xiddig Ee Uu Kooxda Ka Fasaxayo Oo La Ogaaday

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa u muuqda mid noqon doona tababaraha buuxa ee kooxda Man United kadib qorshihiisa suuqa kala iibsiga oo uu u gudbiyay maamulka sare ee Red Devils.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa isku diyaarinaya dhisid kooxda Man United inaksta oo aan wali loo magacaabin tababarah buuxa ee Man United.

Tababaraha reer Norway ayaa qaab fiican ka soo saaray kooxda tan ilaa markii uu shaqada ka badalay tababare Jose Mourinho bishii December.

Kadib markii uu shaqada u qabtay qaar ku meel gaadh ah haatan waxa uu u muuqdaa mid noqon doona tababaraha Man United ee buuxa.

Solskjaer ayaa dhawr kulan la qaatay milkiilaha kooxda Man United ee Avram Glazer labadii bilood ee ugu dambeeyay.

46 jirkan ayaa lagu soo waramayaa in uu sidoo kale wadahadalo la qaatay gudoomiye ku xigeenka kooxda Man United ee Ed Woodward.

Wargayska Daily Mirror ayaa sheegaya in uu tababare Solskjaer u sheegay madaxda kooxda in ay ka fasaxaan 3 xiddig kuwaas oo uuna doonayn in ay ka sii qayb ahaadaan kooxdiisa.

Xiddigahaas ayaa ah Antonio Valencia kaas oo si xor ah uga tagi doona kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan, Marcos Rojo kaas oo dhankiisa laga fasaxi doono sabab la xidhiidha dhaawacyo joogto ah oo soo gaadhay.

Xiddiga 3-aad ayaa ah Alexis Sanchez kaas oo ku fashilmay in uu iska muujiyo kooxda tan ilaa markii uu Man United ku soo biiray suuqii January.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here