Ole Gunnar Solskjaer Oo Tilmaamay Waxa Uu U Baahan Yahay Si Uu Tababare Buuxa Ugu Noqdo Man United.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa tilmaamay halka wado ee uu sida buuxda ugula wareegi karo shaqada Man United.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in ku guulaysiga koob ay tahay halka wado ee uu si buuxda tababare ugula wareegi karo shaqada Man United.

Tababaraha Tottenham ee Mauricio Pochettino oo ah si weyn loola xiriirinayo shaqada Man United ayaa hoos u dhigay in ku guulaysiga koobabku ay muujinayso kooxda fiicntahay.

Laakiin Solskjaer oo isha ku haya in uu gaadho guushiisii 9-aad ee tartamada oo dhan marka ay caawa la ciyaari doonaan Burnley ayaa sheegay in ku guulaysiga koobabku ay tahay halka wado ee man United loogu noqon karo tababare.

Taas ayaa la macno ah in uu Solskjaer u baahan yahay in uu kooxda ku hogaamiyo ku guulaysiga hal koob ugu yaraan si uu u noqdo tababaraha kooxda.

“Waxa aan ku jirnaa champions League, waxa aan ku jirnaa FA Cup-ka, waxa aan gali karnaa 4-ta boos ee ugu saraysa”ayuu Solskjaer yidhi.

“Waa in aanu eegno, waxa aan ku guulaysan karnaa koob bishan, waxana aan ka fikirayaa in aan guul gaadhno kulan kasta oo Man United ah xilli ciyaareedkan”.

“Waxa aan ku guulaysan karnaa koobab, dabcan waan awoodnaa”.

“Kuma guulaysan karno horyaalka sanadkan, laakiin waxa aan ku guulaysan karnaa FA Cup-ka waxana aan isku dayi doonaa in aanu ku guulaysano”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here