Ole Gunnar Solskjaer Oo Si Lama Filaan Ah U Magacaabay Weeraryahanka Ugu Fiican Premier League

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa tilmaamay weeraryahanka ugu fiican premier League wakhti xaadirkan.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in shaki la,aan uu Marcus Rashford yahay weeraryahanka ugu fiican premier League.

Rashford ayaa dhaliyay gool cajiib ah kulankii ay Man United guusha ka gaadhay kooxda Brighton kulan ka tirsanaa premier league.

21 jirka ayaa dhaliyay 5 gool 7-dii kulan ee uu tababare Solskjaer Hogaaminayay kooxda tan ilaa markii uu Mourinho ka badalay shaqada.

Solskjaer ayaa qirtay marka la dooranayo weeraryahanka ugu fiican premier League in uu Harry Kane ka horeeyo laakiin waxa uu sheegay in dhaawaca xiddiga reer England Rashford ka caawiyay in uu haatan noqdo weeraryahanka ugu fiican.

“Waxa aad ku murmi kartaa weeraryahano badan laakiin waan ku faraxsanahay in uu kooxdayda joogo”ayuu Solskjaer yidhi.

“Waa in aan sheego heerka shaqadiisa, ma jirto cid kaga fiican heerka shaqada, waxa uu kalsooni fiican ku haystaa goolka hortiisa”.

“Wuu Dhamaystiraa fursadaha, wuu laagaa kubadaha waliba marnaba ka fikiro arintaas” “Waxan u malaynayaa in uu ciyaarayo kuabdiisii ugu fiicnayd”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here