Ole Gunnar Solskjaer Oo Sheegay Xiddiga Kabtanka U Ahaan Doona Man United Inta Uu Hogaaminayo Kooxda

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay xiddiga kabtanka u ahaan doona kooxdiisa inta uu hogaaminayo kooxda Man United inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Ole Gunnar Solskjaer Ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Antonio Valencia sii ahaan doono kabtankiisa 1-aad ee kooxda Man United.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ayaa sheegay in uu 33 jirka oo ku dhaw in uu ka soo laabto dhaawac ahaan doono kabtanka 1-aad ee kooxda Man United.

Antonio Valencia ayaa si weyn ugu dhibaatooday kooxda Man United iyada oo ay sabab u yihiin dhaawacyo iyo waliba khilaaf uu kula jiray tababare Jose Mourinho oo u diiday in uu ciyaaro.

Laakiin xiddigan ayaa ku soo laaban doona kooxda kadib markii uu tababaruhu xaqiijiyay in uu isagu ahaan doono kabtanka 1-aad ee kooxda Marka uu taamka yahay.

“Antonio ayaa ah kabtanka kooxda marka uu taamka yahay”.

“Waxa uu qaatay tababar adag haatan waxa uu diyaar u yahay in uu ku soo laabto kooxda waxana aad arki doontaa isaga oo xidhan calaamada kabtanimada marka uu ciyaarayo’ayuu sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here