Ole Gunnar Solskjaer Oo Sheegay 3 Sababood Oo Ayna Liverpool Ugu Guulaysan Doonin Horyaalka Premier League

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaan aaminsanayn in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga oo sidoo kale aaminsan in ay Man United ka fiican tahay Liverpool.

Labada Kooxood ayaa Axadii ku kulmay Old Trafford iyaga oo ku kala baxay bar-baro goolal la,aan ah xilli ay Liverpool ku soo laabatay kaalinta 1-aad ee horyaalka.

Liverpool ayaa haatan kaliya hal dhibic ka horaysa kooxda Man City oo ugu cad-cad in ay difaacdaan tartanka horyaalka premier League.

Man United ayaa kulanka Liverpool ku soo galay iyaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waliba tababare Ole Gunnar Solskjaer uu si fiican u dhisay kooxdiisa.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu tababare Ole Gunnar Solskjaer laba u kala jaray qorshihii Jurgen Klopp iyo Liverpool ee kulanka.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegaya in ay Liverpool kaliya ciyaari karto kubada rogaal celis ah laakiin ku dhibaatoodaan in ay kooxaha kale ku jabiyaan baaskooda isaga oo ku sheegay sababta 1-aad ee ayna Liverpool ugu guulasan karin horyaalka xilli ciyaareedkan.

Sababta 2-aad ayaa ah in ayna Liverpool haysan kubad sameeyo fiican tan ilaa markii uu Philipe Coutinho ka tagay arintaasna ay Man Unted kaga fiican tahay.

Solskjaer ayaa sababta 3-aad ku sheegay in ayna Liverpool wax saamayn ah yeelan karin hadii ayna goolka furitaanka dhalin wakhti hore oo ciyaarta ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here