Ole Gunnar Solskjaer Oo Sharaxay Qaabkii Uu Paul Pogba U Bur-Buriyay Chelsea

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sharaxay qaabkii uu Paul Pogba u burburiyay xiddigaha Kooxda Chelsea kulankii xalay ee FA Cup-ka.

Pogba ayaa ka soo laabtay qaab ciyaareed xun iyo waliba kaadh cas oo loo taagay kulankii bartamaha todobaadka ee champions League.

Solskjaer ayaa ogaa in guuldaradii 2/0 ahayd ee ka soo gaadhay PSG in ayna joojin doonin xiddiga 25 jirka ah.

Pogba ayaa ku lug lahaa labadii gool ee ay dhalisay kooxda PSG isaga oo gool caawiyay mid kalena si qurux badan madax ugu dhaliyay.

Xiddiga ayaa haatan ku leh 15 gool intii uu joogay kooxda Tababare Solskjaer isaga oo 9 gool dhaliyay 6 kalena caawiye ka noqday.

“Waan ogayn in uu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe ee weerarka, waxa uu leeyahay hamiga xiddig kasta”ayuu Solskjaer yidhi.

“Karooskii uu goolka ka dhaliyay Ander Herrera waxa uu ahaa cajiib kadib waxa uu u dhiibtay kubada Rashford kadib waxa uu galay dilinta ganaaxa”.

“Waxa aan qaadanay maalmo fiican oo tababar ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Dabcan waxa aan u ogolaanay in uu helo meelo banaan, Ander Herrera ayaa inta badan xoriyad u leh in uu horay u socdo laakiin kulankii xalay waxa aan u baahanay wax intaas ka badan iyo in uu Pogba dhex aado dilinta ganaaxa sabab la xidhiidha in ay Rashford iyo Lukaku ka ciyaarayeen weerarka”.

“Pogba waxa uu kulan adag soo qaatay kulankii PSG laakiin waxan u malaynayaa in uu ahaa xiddigeenii ugu fiicnaa kulankii chelsea”

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here