Ole Gunnar Solskjaer Oo Shaaciyay Sababtii Ay Kooxdiisu Guuldarada Ugala Kulantay Wolves Kulankii FA Cup-ka

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay guuldaadii kooxdiisa ka soo gaadhay Wolves kulankii 8 Dhamaadka tartanka FA Cup-ka.

Solskjaer ayaa aaminsan in ay Man United soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu xumaa kulankii Wolves tan ilaa markii uu kooxda tababaraha u noqday.

Tababare Solskjaer ayaa la kulmay guuldaradii 2-aad oo xiriir ah kadib markii ay kooxdiisu guuldaro 2/0 ah kala kulantay Arsenal todobaadkii hore.

Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Caaqb ciyaareedkan waxa uu ahaa midkii ugu xumaa ee aan soo bandhigtnay tan ilaa markii aan imid, waxa aan ahayn qaar aad u xun umaanan qalmin in aan guul gaadhno”.

“Wolves ayaa u qalantay in ay guul gaadhaan, waxa ay ahaayeen qaar naga fiican dhamaan ciyaart sidaas darteed waan ka niyad jabsanahay qaabka xun ee aan soo bandhignay”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here