Ole Gunnar Solskjaer Oo Premier League U Dhigay Rikoodh Cusub Kadib Bar-Barihii Liverpool.

0

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa rikoodh u dhigay premier League kadib bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Liverpool kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa noqday tababaraha dhibcaha ugu badan ku guulaystay 10-kiisa kulan ee ugu horeeya horyaalka premier League.

Solskjaer oo si ku meel gaadh ah loogu dhiibay shaqada Man United bishii December kadib markii shaqada laga caydhiyay jose Mourinho ayaa helay 26 dhibcood 10-kiisii kulan ee ugu horeeyay premier League.

Bar-barihii ay la gashay hogaamiyayaasha horyaalka ayaa Ole Gunnar Solskjaer ka caawiyay in uu jabiyo rikoodh u yaalay tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Guus Hiddink.

Laakiin bar-barahaas ayaan Liverpool ka hor istaagin in ay dib ugu soo laabato hogaanka horyaalka premier League iyaga oo hal dhibic ka horeeya kooxda Man City.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here