Ole Gunnar Solskjaer Oo Paul Pogba U Soo Celinaya Masuuliyada Uu Jose Mourinho Ka Xayuubiyay Markii Uu Joogay United

0

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa Paul Pogba u soo celin doona masuuliyada uu jose Mourinho ka qaaday markii uu kooxda joogay.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa Paul Pogba ku amaanay in uu yahay kabtanka mustaqbalka dhaw ee kooxda Man United kaliya todobaadyo markii uu Jose Mourinho xiddiga ka xayuubiyay masuuliyada kabtan ku xigeenka Man United.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Man United ayaa rumaysan in Pogba oo ku dhibaatooday wakhtigii Jose Mourinho leeyahay awood hogamiyenimo.

Jose Mourinho ayaa 25 jirkan u sheegay bishii September in uuna mar dambe xidhan doonin calaamada kabtanimada uu xitaa ka qaaday masuuliyada kabtanimoada isaga oo su,aal ka keenay awoodiisa hogaamiyanimo ee garoonka dhexdiisa.

Laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa haatan diiday hadalada tababare Jose Mourinho isaga oo sheegay in uu Pogba oo qaab ciyaareed cajiib ah u arko kabtanka United ee Mustaqbalka dhaw.

“Dabcan, Haa, Sababta oo ah waxa aan garanayaa isaga oo wiil yar ah ka hor hor intii aanan tababaraha u noqon United, waana hogaamiye, waxa uu saamayn ku yeeshaa dadka ku hareeraysan waxana aad aragteen, in uu run ahaantii doonayo in uu noqdo mid guulo gaadha”Ole Gunnar Solskjaer yidhi.

“Waxa uu ogyahay in uuna kaligii qaban karin, waa ciyaar kooxeed, waana shaqsiyadiisa waxa keenaya waxyaabaha fiican ee badan, waxa uu ku raaxaysanayaa qaab ciyaareedkiisa”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here