Ole Gunnar Solskjaer Oo Magacaabay Xiddig Man United Ah Oo Ku Adkeeyay In Uu Kaydka Dhigo.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa magacaabay xiddiga kooxdiisa ee ku qasbay in uuna ka saarin shaxda kooxda Man United.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa amaan ugu qubeeyay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Ander Herrera kadib guushii Ay Man United ka gaadhay Chelsea.

Xiddiga reer Spain ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee kulankii ay Man United chelsea ku garaacday 2/0 kana dhacay Stamford Bridge.

Herrera ayaa door muhiim ah ka qaatay qaab ciyaareedka Man United tan ilaa markii uu Ole Gunnar Solskjaer la wareegay kooxda isaga oo khadka dhexe ku weheliysa xiddigaha Paul Pogba iyo Nemanja Matic.

“Qaab ciyaareedkiisa, gaajadiisa iyo ka go,naanshihiisa ayaa muhiim noo ah waana sababta uu kulan walba u ciyaaro”ayuu tababaraha Man United yidhi.

“Waxa uu bixiyaa tamar badan, waxa uu buuxiyaa khadka dhexe ee midig kadib waxa uu u ordaa weerarka”.

“Kulankii xalay ma amaani kartid hal xiddig waxa jiray 11 xiddig iyo waliba xiddigihii badalka laakiin Ander ayaa qabtay shaqo cajiib ah”

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here