Ole Gunnar Solskjaer Oo Magacaabay 3 Xiddig Oo United Ah Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii United Ka Soo Gaadhay Wolves

0

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa weerar ku qaaday 3 xiddig oo kooxdiisa ah dushana ka saaray masuuliyada guuldarada soo gaadhay Man United kulankii FA Cup-ka ee Wolves.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa weerar ku qaaday xiddigaha weerarka uga ciyaara man United ee Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Jesse Lingard kadib guul daradii FA Cup-ka.

United ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareedkeedii ugu xumaa tan ilaa markii uu Ole Gunnar Solskjaer la wareegay kooxda kadib markii ay guuldaro kala kulmeen Wolves.

Tababaraha reer Norway ayaa qirtay in ayna United qaban shaqo fiican oo ay ugu qalmeen in ay guul ka gaadhaan kulanka.

“Waxa aan kulanka ku bilaabanay si aad u liidata, waxa aan u ciyaarnay sidii ay doonayeen”ayuu Ole Gunnar Solskjaer u sheegay BBC.

“Kubad haysashadeenu ma ahayn mid fiican waliba deg-deg ah sidaas darteed waa niyd jab”.

“Uma malaynayo in aanu soo bandhignay tayo fiican 30-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay”.

“Waxa aan si fiican u haysanay kubada qaybtii hore laakiin waxa si fudud u luminaynay kubada kadib waxa ay qaadayeen weeraro rogaal celis ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here