Ole Gunnar Solskjaer Oo Kashifay Sababtii Uu Anthony Martial Ku Seegay Kulankii Burnley

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu Anthony Martail ku seegay kulankii ay United bar-baraha la gashay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa premier League.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in Anthony Martial dhaawac soo gaadhay kaas oo ku qasbay in uu seego kulankii Burnley ee xalay.

Xiddiga reer France ayuu dhaawacu soo gaadhay kulankii ay United guusha ka gaadhay kooxda Arsenal kana tirsanaa tartanka FA Cup-ka inkasta oo uu kaydka ka soo kacay kulankaas.

Waxa la filayay in uu ku laabto shaxda Rasmi ah kulankii xalay laakiin Solskjaer oo 4 is badal ku sameeyay shaxdiisa ayaa xiddiga gabi ahaan ka reebay kulanka.

“Waxa soo gaadhay dhaawac yar, waxana aan u baahanahay in aanu ilaalino isaga”ayuu Solskjaer u sheegay Sky Sport.

“Dabacan waxa noo hadhsan kulamo badan oo soo soo socda waxana aan ciyaarnay kulamo badan oo kale”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here