Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Warbixiyay Dhaawacyada Soo Gaadhay Jesse Lingard & Anthony

Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka warbixiyay dhaawacyadii soo gaadhay xiddigaha kooxdiisa ee Jesse Lingard & Anthony Martial ka hor kulanka todobaadka dambe ee ay la ciyaari doonaan Chelsea tartanka FA Cup-ka.

Man United ayaa wadnaha farta ku haysa kadib dhaawacydii soo gaadhay xiddigaha Jesse Lingard & Anthony Martial ka hor kulanka FA Cup-ka ee Chelsea.

Labada xiddig ayaa lagu qasbay in ay dhaawac kaga baxaan kulankii ay United guuldarada kala kulantay PSG waxana isha lagu hayn doonaa maalmaha soo socda.

Jesse Lingard & Anthony Martial ayaa dhaawacyo muruqa ah uga baxay ciyaarta waxana ay haatan tartan u gali doonaan wakhtiga kulanka ay la ciyaari doonaan Chelsea.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa farta ku hayn doona wadnaha isaga oo rajnaya in ayna labada xiddig muddo dheer ka maqnaan garoomada.

“jesse iyo Athony waxa ay na siiyaan wax, waan rahnayno in uuna dhaawacu ahayn mid halis ah, waxa ay labaduba ka cabanayaan dhaawac muruqa ah sidaas darteed waxa aan sugi doonaa maalmo yar”.

Labada xiddig ayaa labadoodba la balay qaybtii Nasashada iyada oo lagu badalay xiddigaha Alexis Sanchez iyo Juan Mata.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here