Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Warbixiyay Dhaawacyada Kooxdiis Ka Hor Kulanka Leicester City, Miyuu Pogba Taam Yahay?

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka warbixiyay dhaawacyada kooxdiisa ka hor kulanka Leicester City ee premier League.

Solskjaer ayaa filaya in au xiddigaha Paul Pogba iyo Anthony Martial ka qayb qaadan doonaan kulanka Leicester City ee premier League.

Red Devils ayaa u safri doonta King Power Stadium Axada waxana la filayaa in ay labada xiddig reer France ka qayb qaataan kulankaas.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayuu dhaawac ka soo gaadhay kulankii Burnley ee 2/2 ay United la gashay halka uu Martial seegay kulankaas kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay tababarka.

Laakiin Solskjaer ayaa yidhi” Wali maanu qaadan tababar xoogan tan ilaa kulankii Burnley sidaas darteed waxa aan rajaynayaa in ay labadooduba taam noqdaan”.

“Uma malayno in uu Paul wax dhib ah qabo, Anthony waxa uu qabtay shaqo soo kabsasho ah maanatan wuu qaban doonaa”.

“Waxan aan filayaa in ay labadooduba ka qayb qaadan doonaan kulanka waxa ay u muuqdeen qaar taam ah shalay”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here