Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Warbixiyay Dhaawaca Soo Gaadhay Alexis Sanchez Kulankii Southampton.

0

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka warbixiyay dhaawacii soo gaadhay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Alexis Sanchez.

Alexis Sanchez ayaa baadhitaan mari doona Isniinta si loo ogaado inta uu leegyahay dhaawaca xiddiga ka soo gaadhay jilibka intii lagu jiray kulankii ay United 3/2 uga badisay Southampton.

Xiddiga reer Chile ayaa wakhti adag ku soo qaatay kulankii Old Trafford ka hor inta uuna xaalku ku sii xumaan kadib markii uu dhaawac xun ka soo gaadhay jilimbka.

Xiddiga ayaa daawayn yar maray laakiin ugu dambayn ka baxay kulanka taas oo shaki weyn sii galinaysa mustaqbalkiisa xilli la sugi doono dhibaatada dhaawaciisa.

“Wali waxba kama garanayno laakiin waxa laga yaabaa in uu dhaawac Halis ah ka soo gaadhay Jilibka”ayuu Ole Gunnar Solskjaer yidhi ciyaarta kadib.

“Waxa uu maalinta Bari ilaa Isniinta Mari doonaa baadhitaan”.

Dhaawaca Sanchez ayaa xaalka ku sii adkeeyay Man United ka hor kulanka PSG isaga oo ku biiray Liiska dhaawacyada Man United.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here