Ole Gunnar Solskjaer Oo Isku Qoray Taariikhda Man United Kadib Guushii Bournemouth

Tababaraha Kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa isku qoray taariikhda kooxda Man United kadib guushii waynayd ee ay Man United ka gaadhay Bournemoth.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa noqday kaliya tababarihii 3-aad ee Man United ah ee guul gaadha 3-diisii kulan ee ugu horaysay kadib guushii ay Man United 4/1 uga badisay Bournemouth.

Laba gool oo ka yimid Paul Pogba iyo laba gool oo ay kala dhaliyeen Romelu Lukaku iyo Marcus Rashford ayaa Red Devils ka caawiyay in ay dhaafaan Bournemouth.

Natiijadaas ayaa tababare Ole Gunnar Solskjaer siisay guushii 3-aad oo xiriir ah horyaalka premier League iyada oo uuna tababaruhu wali wax guuldaro ah la kulmin.

Kaliya Jose Mourinho iyo Sir Matt Busby ayaa kaga horeeyay rikoodkaas xilli uu tababaraha taariikhiga ah ee Sir Alex Ferguson ku fashimay rikoodhkaas.

Man United ayaa haatan dareenkeeda u jeedinaysa kulanka ay La ciyaari doonaan Arbacada kooxda Newcastle United.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here