Ole Gunnar Solskjaer Oo Amaan Ugu Qubeeyay Paul Pogba Kadib Qaab Ciyaareedkiisii Kulankii Huddersfield

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa amaanay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxdiisa ee Paul Pogba kadib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu xiddigu soo bandhigay kulankii ay Man United guusha ka gaadhay kooxda Huddersfield.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uu Paul Pogba jecel yahay Man United kadib markii uu xiddiga reer France dhaliyay laba gool siina waday qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa.

Pogba ayaa doonayay in uu isaga tago Man United sababta oo ah waxa uuna ku faraxsanayn sidii uu Jose Mourinho ula dhaqmayay laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa amaanay xiddiga isaga oo sheegay in uu u dhashay in uu u ciyaaro Man United.

“Waa Paul Pogba-gihii aana aqaanay, waliba aan aqaanay tan ilaa markii uu u ciyaarayay da,yarka kooxda”.

“Waxa uu mar walba ahaa wiil faraxsan oo dhoola cadeeya marka aad laba gool dhalisana waa in aad faraxdo”.

“Waa Masuuliyada qeyn u ciyaarista Man United Pogbana waxa uu jecel yahay u ciyaarista Man United”.

“Waa Wiilkii Man United waxana uu u dhashay in uu u ciyaaro kooxda waxana uu garanayaa macanaha u ciyaarista Man United”.

“Kulankii Hore waxa uu caawiye ka noqday 2 gool kulankii Xalayna waxa uu dhaliyay 2 gool waxan u malaynayaa in uu raaxaysan doono”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here