Ole Gunnar Solskjaer Kashifay Qaabkii Uu Cristiano Ronaldo Uga Caawiyay In Ay Xalay Garaacaan Arsenal, Daawo Muuqaalka.

0

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday qaabkii uu Cristiano Ronaldo uga caawiyay in ay Man United guul weyn ka gaadho kooxda Arsenal kulankii Xalay ee Tartanka FA Cup-ka.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday in uu Xiddigaha kooxdiisa tusay muuqaal gool rogaal celis ahaa oo uu Cristiano Ronaldo ka dhaliyay kooxda Arsenal ka hor kulankii xalay.

Goolal ka yimid Alexis Sanchez, Athony Martail iyo Jesse Lingard ayaa Red Devils ka caawiyay in ay jiidhaan kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa si cajiib ah ku bilaabatay kulanka iyaga oo helay fursado wakhti hore ah laakiin Man United ayaa laba daqiiqo gudohood 2 gool uga dhaliyay kadib markii dhaawaca lagu saaray Daafaca Sokratis.

Ciyaarta kadib Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday in weerarka rogaal celiska ah ahaa qorshihiisa si uu u garaaco kooxda Unai Emery waxana uu sheegay in uu ciyaarta ka hor tusay goolal rogaal celis ah oo uu ka mid yahay gool cajiib ah oo uu Cristiano Ronaldo u dhaliyay United sanadkii 2009.

“Waa Cajiib in aan wareega xiga u gudubnay, waxa aan ciyaarnay mid ka mid ah kulamada ugu adag”ayuu Solskjaer yidhi.

“Waxa aan madax xanuun ka qaaday doorashada shaxda tan ilaa markii aan imid sababta oo ah waxa aan haystaa koox ay ka buuxaan xiddigo cajiib ah’.

“Anaga ayay tahay masuuliyadeena in aan doorano xiddigaha saxda ah waxana aan u baahanahay in aan xiddigaha qaar nasino maadama ay kulamo badan soo sacdaan”.

“Waxa aan si aad ah ugu dadaalnay in aan iska difaacno weerarka rogaal celiska ah, Rogaal celisku waa wax ay Man United ku fiicanayd sanado waxa aan dhalinay Goolal badan sida Cristiano Ronaldo, Wayne Rooney iyo qaar kale oo badan”.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka United ka caawiyay in ay garaacdo Arsenal

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here