Ole Gunnar Solskjær Doonaya In Uu Paul Pogba Dib Ugu Soo Celiyo Masuuliyada Uu Jose Mourinho Ka Xayuubiyay & Hal Arin Oo Sabab U Ah

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in uu tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjær qorshaynayo in uu calaamada kabtanimada u soo celiyo xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba sabab la xiriirta in uu kabtanka 1-aad ee kooxda ee Antonio Valencia si xor ah isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Jose Mourinho ayaa kabtan ka dhigay 33 jirkan xagaagii hore laakiin waxa uu Man United u ciyaaray kaliya 8 kulan xilli ciyaareedkan iyada oo ay sabab u tahay dhaawac soo gaadhay.

Valencia ayaa kaliya hal kulan u ciyaaray kooxda Man United tan ilaa markii uu Ole Gunnar Solskjær noqday tababaraha kooxda shaqadana ka badalay Jose Mourinho.

Antonio Valencia ayaa shalay sheegay in uu isaga tagi doono kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii ay man United dhaqan galin wayday heshiiskii halka sano ee dookha ahaa.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa haatan si xoogan ugu cad-cad in uu noqdo kabtanka 1-aad ee kooxda Man United.

Mourinho ayaa kabtanimada 2-aad ee Man United ka qaaday Pogba laakiin kadib bixitaankii Tababaraha reer Portugal xiddiga reer France ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Sidaas darteed Ole Gunnar Solskjær ayaa doonaya in uu haatan Pogba ka dhigo kabtanka 1-aad ee kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here