Nooca Dhaawaca Soo Gaadhay Ousmane Dembele Oo La Ogaaday

0

Kooxda Barcelona ayaa la kulantay war xun kulankii ay guusha ka gaadhay kooxda Leganes kana tirsanaa horyaalka La Liga kadib markii uu dhaawac soo gaadhay xiddiga garabka uga ciyaara ee Ousmane Dembele.

Xiddiga reer France oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray kulamadii ugu dambeeyay ayaa xanuun dartiis dhulka ugu dhawacy intii ay ciyaartu socotay.

Idaacada Radio Catalonia ayaa sheegaysa in uu xiddiga reer France dhaawac ka soo gaadhay kuraanta lugta midi taas oo keentay barar.

Xiddiga ayaa saacadaha soo socda ee maanta mari doona baadhitaan buuxa oo lagu ogaan doono inta uu dhaawacu leegyahay iyo inta uu garoomada ka maqnaan karo.

Ousmane Dembele ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray bilihii ugu dambeeyay isaga oo xitaa kulankii Leganes ka baxay kadib markii uu jabiyay rikoodhka gambiska ugu badan ee La liga xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa wadanaha farta ku hayn doonta iyaga oo rajaynaya in uuna dhaawaca Ousmane Dembele noqon mid halis ah oo garoomada ka fogeeya xiddiga muddo dheer.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here