N’Golo Kanté oo qorsheenaya inuu ka tago garoonka Stamford Bridge…. Kooxdee ayuu xiiseenayaa inuu ku biiro?

N’Golo Kanté ayaa qorsheynaya inuu ka tago garoonka Stamford Bridge, sida ay qortay saxaafada Faransiiska.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Le10 Sport” xiriirka u dhaxeeya N’Golo Kanté iyo tababaraha reer Talyaani ee Maurizio Sarri, ma ahan mid fiican, sababa la xiriira booska uu haatan kaga ciyaaro Kanté kooxda Blues.

N’Golo Kanté ayaa doorbida inuu ka ciyaaro qeybta khadka dhexe ee kubad burburinta, laakiin Sarri ayaa u arka in ka ciyaarista booskan uu kaga fiican yahay jorginho, halka uu Kanté dhigay khadka dhexe ee dhanka weerarka.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in N’Golo Kanté uu ka helayo xiiso aad u balaaran kooxda Paris St Germain, laakiin wuxuu door bidayaa inuu u dhaqaaqo kooxaha Real Madrid, Barcelona ama Bayern Munich, hadii uu ka tago Chelsea.

Waxaa xusid mudan in N’Golo Kanté uu cusbooneysiiyay qandaraaskiisa kooxda reer London xili ciyaareedkan gudihiisa, wuxuuna gaarayaa heshiiskan uu saxiixay ilaa iyo 2023.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here